Weeraryahanka Sporting Lisbon Viktor Gyokeres ayaa soo gabagabeeyay 2024 isagoo ah gooldhaliyaha ugu sareeya horyaalada Yurub inta lagu guda jiro sanadka gudihiis.
Weeraryahanka reer Sweden ayaa soo qaatay 12 bilood oo cajiib ah isaga oo dhaliyay 36 gool kaliya 35 kulan oo uu ciyaaray horyaalka Portugal.
Qaab ciyaareedka Gyokeres ayaa keentay in uu soo jiito kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub waxana jira kooxo badan oo doonaya saxiixiisa.
Weeraryahanka Bayern Munich ee Harry Kane ayaa ah midka ugu soo dhaw isaga oo dhaliyay 29 gool 30 kulan oo uu ciyaaray.
Xiddigaha Robert Lewandowski Iyo Erling Haaland ayaa ka mid ah xiddigaha ugu sareeya gooldhalinta sanadka 2024.
Hadaba Halkan Kaga Bogo 10-ka xiddig ee ugu goolasha badan sanadka 2024 ee dhamaanaya.
Viktor Gyokeres (Sporting Lisbon) 36 Gool
Harry Kane (Bayern Munich) 29 Gool
Robert Lewandowski (Barcelona) 27 Gool
Erling Haaland (Man City) 27 Gool
Cole Palmer (Chelsea) 26 Gool
Alexander Sorloth (Atletico Madrid) 25 Gool
Jonathan David (Lile) 25 Gool
Alexander Isak (Newcastle) 25 Gool
Luuk de Jon (PSV) 24 Gool
Mohamed Salah (Liverpool) 23 Gool
Be the first to comment