XASAASI: Liverpool Oo War Ka Soo Saartay Mustaqbalka Salah, Van Dijk Iyo Alexander-Arnold.

Kooxda Liverpool ayaa war ka soo saartay xaalada mustaqbalka xiddigaha Salah, Van Dijk iyo Alexander-Arnold.

Heshiiska xiddigaha Salah, Van Dijk iyo Alexander-Arnold ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan iyaga oo ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskooda.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in maamulka Liverpool ay ku adkaysanayaan in ay wadahadalo kula jiraan xiddigaha Salah, Van Dijk iyo Alexander-Arnold.

Isla saxafiga ayaa sheegay in ay kooxdu si weyn uga rajo qabto in ay xiddigaha Van Dijk iyo Salah qalinka ku duugi doonaan heshiisyo cusub.

Laakiin Maamulka kooxda ayaa wali sheegaya in aanay jirin wax heshiis ah oo ay gaadheen dhinacyada kala duwan ee ay arintu khusayso.

Salah iyo Van Dijk ayaa si weyn uga hadlay marar badan mustaqbalkooda iyaga oo sheegay in aanay wali wax heshiis cusub ah u saxiixin kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga