XASAASI: Trent Alexander-Arnold Oo Liverpool U Sheegay Halka Uu Ka Ciyaarayo

Xiddiga Trent Alexander-Arnold ayaa lagu soo waramayaa in uu maamulka Liverpool u sheegay halka uu ka ciyaarayo xilli ciyaareedka dambe.

Heshiiska Trent Alexander-Arnold ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan walina heshiis cusub uma saxiixin kooxda.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu Trent Alexander-Arnold u sheegay Liverpool in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Trent Alexander-Arnold ayaa U Sheegay maamulka Liverpool in uu doonayo in uu ka tago Liverpool suuqa xagaaga ama January.

Xiddiga Trent Alexander-Arnold ayaa u sheegay Reds in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid suuqa xagaaga ama January.

Real Madrid ayaa xiiso waali ah u qabta saxiixa xiddiga Trent Alexander-Arnold kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso kooxdeeda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga