Tuchel Oo Sharaxay Sababta Uu Kaliya Xulka England Ugu Saxiixay Heshiis 18 Bilood Ah.

Tababaraha Xulka England ee Thomas Tuchel ayaa sheegay in aqoon uuna u lahayn shaqada uu qabtay ay sabab u tahay in uu kaliya heshiis 18 bilood u saxiixay xulka qaranka England.

Subaxnimadii Arbacada, Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska ayaa xaqiijiyay inay doorteen tababarihii hore ee Chelsea iyo Bayern Munich inuu noqdo bedelka joogtada ah ee Gareth Southgate.

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Lee Carsley ayaa sii wadi doona doorkiisa kulamada November ee UEFA Nations League ka hor inta aanu Tuchel si rasmi ah u bilaabin shaqada January 1.

Tuchel ayaa kaliya saxiixay heshiis gaaban oo 18 bilood ah isaga oo kaliya xulka hogaamin doona tartanka Koobka Adduunka ee 2026.

Si kastaba ha ahaatee, inta lagu guda jiro shir jaraa’id saacado kadib markii lagu dhawaaqay heshiiska Tuchel ayaa sheegay in uu ku qanacsanyahay heshiiska gaaban ee uu saxiixay.

“Waxa aan go’aansaday in aan saxiixo heshiis 18 bilood ah maadama aanan khibrad u lahayn ciyaaraha caalamiga ah”ayuu yidhi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga