Xavi Oo Sheegay Wakhtiga Ay Barcelona Go’aan Ka Gaadhin Doonto MustaqbalkaLewandowski

Tababaraha kooxda Barcelona Xavi ayaa Ka hadlay Mustaqbalka xiddiga Robert Lewandowski.

Mustaqbalka Lewandowski ee Barcelona ayuu shaki ku jiraa iyada xiddigu dhawr mar ka hadlay Mustaqbalkiisa.

Lewandowski ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu kooxda u dhaliyay 21 gool tartamda oo dhan.

Xavi ayaa Sheegay in ay Barcelona Go’aan ka gaadho doonto Mustaqbalka Lewandowski Marka uu dhamaato xilli ciyaareedkan.

“Aad ayaan uga mahadcelineynaa joogitaankiisa kooxda”ayuu Xavi yidhi.

“waxaana go’aansan doonaa mustaqbalkiisa marka uu dhamaado xilli ciyaareedka.”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga