Modric Oo Taariikh Ka Dhigay Champions League.

Luka Modric ayaa jabiyay rekoodh dheer oo uu u yaalay Real Madrid kadib markii uu garoonka soo galay kulankii champions League ee ay Real Madrid la ciyaartay kooxda Bayern Munich.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Croatia ayaa la soo galiyay ciyaarta daqiiqadii 75-aad ee ciyaarta iyada oo lagu badalay Jude Bellingham waxana uu ka soo muuqday tartanka markii 40-aad.

Modric ayaa taariikh ka sameeyay kadib markii uu badal ku soo galay ciyaarta waxana uu noqday xiddigii ugu da’da weynaa ee Champions League u ciyaara Real Madrid isaga oo jira 38 sano iyo 234 maalin.

Xiddiga reer Croatia ayaa dhaafay rikoodhkii uu Real u dhigay Ference Puskas kaas oo rikoodhka dhigay 1965 isaga oo ciyaaray isaga oo jiray 38 sano iyo 229 maalin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga