Klopp Oo Fariin U Diray Arsenal Iyo Man City.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa digniin cusub u diray kooxaha Arsenal iyo Manchester City kadib markii ay kooxdiisu 3-1 ku garaacday Fulham Axadii.

Liverpool ayaa guul muhiim ah ka gaadhay Fulham iyaga oo ku soo laabtay wadada guulaha premier League.

Klopp ayaa sheegay in ay kooxdiisu ku jirto tartanka horyaalka premier League kadib markii ay ka soo laabatay guuldaradii Axadii ee Crystal Palace.

“Waxa aan doonaynaa in aan ku jirno tartanka taasi way iska cadahay”ayuu Klopp yidhi.

“Arsenal way badisay, Man City hal kulan ayay gacanta ku haysataa, waa in aanu badino kulamadeena”.

Liverpool ayaa leh 74 dhibcood waxana ay la dhibco tahay Arsenal iyada oo kaga dambaysa farqiga gooasha.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga