Xulka qaranka Canada ayaa u soo baxay wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka 2026, kadib markii ay 1-0 kaga adkaadeen xulka South Africa kulan dhacay fiidnimadii Axadda garoonka Los Angeles Stadium, kaas oo ka tirsanaa wareegga 32-ka.
Labada xul ayaa ciyaarta ku bilaabay taxaddar badan, ka hor inta aysan Canada si tartiib tartiib ah ula wareegin gacan-sarraynta qeybtii hore iyagoo kubbadda inta badan haystay isla markaana abuuray fursado goolal lagu dhalin karay. Dhanka kale, South Africa waxay ku tiirsaneyd difaac adag iyo xiritaanka meelaha bannaan.
Canada ayaa ku dhowaatay inay hoggaanka qabato daqiiqaddii 43-aad, markii madax lagu dhuftay kubbad koorne ah loo diray goolka, balse daafac ka tirsan South Africa ayaa kubbadda ka saaray xariiqda goolka, iyadoo goolhayaha iyo difaacuba ay markale halista baabi’iyeen.
Qeybtii labaad, Canada waxay sii wadday cadaadiska weerarka iyo xakamaynta ciyaarta, iyagoo sameeyay fursado badan oo cadcad. Si kastaba ha ahaatee, goolhayaha South Africa ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah isagoo joojiyay fursad fool ka fool ah, halka daafac kalena uu kubbadda ka bixiyay daqiiqaddii ugu dambeysay.
Daqiiqaddii 90+2, Canada ayaa heshay goolka guusha kadib markii kubbad uu difaacu iska bixiyay ay gaartay Stephen Eustáquio, kaasoo si qurux badan shabaqa ugu hubsaday.
Guushan ayaa u ahayd Canada taariikh cusub, maadaama ay markii ugu horreysay abid u soo baxeen wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka.
Be the first to comment