Xulka Morocco Oo Reebay Xulka Netherlands Iskana Xaadiriyay Wareega 16 Koobka Adduunka.

Xulka qaranka Morocco ayaa u soo baxay wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay rigoorayaal 3-2 uga adkaadeen Netherlands, kaddib markii ciyaartu ku dhammaatay barbaro 1-1 waqtigii caadiga ahaa iyo waqtigii dheeriga ahaa. Kulankan xiisaha lahaa ayaa ka dhacay magaalada Monterrey ee dalka Mexico, wuxuuna ka tirsanaa wareegga 32-ka.

Qaybtii hore ee ciyaarta, Netherlands ayaa lahayd kubbad-haysasho badan isla markaana abuurtay fursado badan, hase yeeshee daafaca adag ee Morocco iyo bandhigga cajiibka ah ee goolhayaha ayaa diiday in wax gool ah la dhaliyo, waxaana qeybta hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Bilowgii qeybta labaad, “Libaaxyada Atlas” ayaa ku dhowaaday inay hoggaanka qabtaan, balse kubbad uu tuuray ayaa ku dhacday birta daqiiqaddii 52-aad. Si kastaba ha ahaatee, Netherlands ayaa jebisay difaaca Morocco daqiiqaddii 72-aad, waxaana goolka u dhaliyay kaddib baas muhiim ah oo uu bixiyay .

Tababaraha Morocco ayaa sameeyay isbeddello dhowr ah si uu ciyaarta ugu soo celiyo kooxdiisa, isagoo soo geliyay Samir Al-Mourabit, Jassim Yassin, iyo . Isbeddelladaas ayaa miro dhalay dhammaadkii ciyaarta, markii Talbi uu baas qurux badan u dhiibay Issa Diop, kaas oo dhaliyay goolka barbaraha daqiiqaddii ugu horreysay ee waqtiga dheeriga ah ee lagu daray, taasoo keentay in ciyaartu gasho waqti dheeri ah.

Soddonkii daqiiqo ee dheeriga ahaa wax gool ah lagama dhalin, iyadoo labada dhinac ay taxaddar muujiyeen inkastoo Netherlands ay isku dayday inay wax beddesho iyadoo soo gelisay iyo . Ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-1, waxaana lagu kala baxay rigoorayaal.

Rigoorayaasha, Morocco ayaa guulaysatay 3-2. Waxaa Morocco u saxiixay rigoorooyinkooda iyo halka iyo ay qasaariyeen.

Dhanka Netherlands, iyo ayaa dhaliyay rigoorooyinkooda, halka , iyo ay saddex rigooro qasaariyeen, taasoo Morocco siisay tigidhka u soo bixitaanka wareegga 16-ka.

Guushan awgeed, xulka Morocco ayaa sii watay socdaalkiisa Koobka Adduunka 2026, wuxuuna u gudbay wareegga 16-ka halkaas oo uu ku wajihi doono xulka Canada, kaas oo isna u soo baxay kadib markii uu ka adkaaday South Africa. “Libaaxyada Atlas” ayaa rajeynaya inay sii wadaan horumarkooda oo ay gaaraan wareegyada ugu dambeeya ee tartanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga