Xulka Koonfur Africa Oo Iska Xaadiriyay Wareega Xiga Ee Koobka Adduunka

Xulka Koonfur Afrika ayaa xaqiijiyay u soo bixitaankiisa wareegga 32-ka ee Koobka Adduunka 2026, kaddib markii ay guul adag oo muhiim ah 1-0 kaga gaareen xulka Koonfur Kuuriya kulan ka dhacay garoonka magaalada Monterrey ee dalka Mexico, kaas oo ka tirsanaa wareegga saddexaad ee heerka guruubyada.

Labada xul ayaa ciyaarta ku billowday qaab isku dheelitiran, iyagoo is dhaafsanayay weerarro. Koonfur Afrika ayaa muuqatay inay ku fiicnayd baasaska iyo dhismaha ciyaarta, halka Koonfur Kuuriya ay ku tiirsanayd weerarro rogaal-celin degdeg ah. Qaybtii hore ee ciyaarta ayaana kusoo dhammaatay barbaro goolal la’aan ah.

Markii la isku soo laabtay qaybtii labaad, ciyaarta ayaa xawaare yeelatay, waxaana cadaadiska Koonfur Afrika uu bilaabay inuu miro dhalo. Daqiiqaddii 63-aad ayuu Thabiso Maseko dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta, isagoo shabaqa gaaray isla markaana hoggaanka u dhiibay xulkiisa.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay, Koonfur Kuuriya ayaa adeegsatay dhammaan awooddeeda weerar si ay u raadiso goolka barbaraha. Waxay si weyn u maamuleen kubadda waxayna cadaadis xooggan saareen goolka Koonfur Afrika, balse way ku guuldarreysteen inay shabaqa soo taabtaan, waxaana ciyaartu ku dhammaatay guul qaali ah oo ay gaartay Koonfur Afrika.

Guushan muhiimka ah awgeed, Koonfur Afrika waxay gaartay 4 dhibcood, taasoo si rasmi ah ugu xaqiijisay u soo bixitaanka wareegga 32-ka iyadoo kaalinta labaad kaga jirta guruubkeeda. Dhanka kale, Koonfur Kuuriya ayaa ku hartay 3 dhibcood iyadoo ku jirta kaalinta saddexaad, taasoo sii adkaysay rajadeeda ay ku doonayso inay ugu soo baxdo mid ka mid ah xulalka ugu dhibcaha badan ee kaalinta saddexaad ku dhammeysta guruubyada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga