José Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in markii uu ka tagay Real Madrid sanadkii 2013, uu heshiis la gaaray Manchester United si uu u noqdo tababaraha kooxda, isla markaana uu u beddelo halyeeyga Sir Alex Ferguson.
Mourinho ayaa yiri: “Markii aan Real Madrid ka tagay 2013, waxaan Manchester United kula heshiiyay inaan ku biiro kooxda si aan u beddelo Sir Alex Ferguson.”
Wuxuu sheegay inuu aad ugu farxay fursaddaas, maadaama Manchester United ay leedahay soo jiidasho weyn, Mourinho wuxuu xusay in inkastoo uu Real Madrid u arko kooxda ugu weyn adduunka, haddana Manchester United ay aad ugu dhowdahay heerkaas.
Dhanka kale, Sir Alex Ferguson ayaa xaqiijiyay in Mourinho loo bandhigay shaqada, isla markaana markii hore uu u muuqday inuu diyaar u yahay inuu qabto xilka.
Ferguson ayaa yiri: “Waxaan u bandhignay shaqada, Waxaan dhinac u kaxeeyay oo aan u sharaxay xaaladda, Sida aan fahmay, wuu oggolaaday, Laakiin saacado yar gudahood wax walba way is beddeleen.”
Ferguson wuxuu sheegay in Mourinho uu hal habeen telefoon u soo diray isagoo ooyaya, kuna yiri: “Alex, waxaan ballan siiyay Chelsea, mana doonayo inaan ballantaas jebiyo.”
Ferguson wuxuu fahmay sababta Mourinho u beddelay go’aankiisa, balse wuxuu qirtay inuu aad uga niyad jabay.
Ugu dambeyn, Mourinho wuxuu doortay inuu ku laabto Chelsea, halka Manchester United ay markii dambe shaqada siisay David Moyes kadib markii Sir Alex Ferguson uu ka fariistay tababarka.
Be the first to comment