Mikel Arteta ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Bruno uu kusoo biiray kooxdiisa, isagoo si gaar ah u amaanay tamarta, hamiga iyo rabitaanka uu ciyaaryahanku u qabo inuu Arsenal kula sameeyo taariikh weyn.
Arteta ayaa yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan Bruno haysanno, Wuxuu kooxda la imaanayaa tamar badan, sidoo kale wuxuu leeyahay gaajo iyo rabitaan uu halkan ugu yimid inuu taariikh weyn kula sameeyo kooxda.”
Tababaraha Arsenal ayaa sidoo kale xusay hamiga weyn ee Bruno, isagoo yiri: “Wuxuu leeyahay hamiga uu nagu gaarsiin karo heerka xiga.”
Hadalka Arteta wuxuu muujinayaa in Arsenal ay Bruno u aragto ciyaaryahan muhiim u noqon kara qorshaha kooxda, isla markaana laga filayo inuu ka caawiyo kooxda inay gaarto heer cusub.
Be the first to comment