
Liverpool ayaa la sheegay in ay muhiimaddeeda suuqa xagaaga ka dhigatay saxiixa xiddiga kooxda Benfica Joao Neves iyada oo diyaarinaysa dalabkeedii ugu horeeyay.
Wargayska ka soo baxa Portugal ee Correio da Manha ayaa sheegaya in Benfica ay hore u diiday laba dalab oo 51 milyan ah oo looga doonayay saxiixa xiddiga.
Kooxaha Manchester United, Chelsea iyo Paris Saint-Germain ay sidoo kale xiiseynaya saxiixa xiddiga.
Laakiin Benfica ayaan dooneynin inay ku iibiso Neves qiimo ka yar 101 milyan oo euro waana lacagta lagu bur-burinayo heshiiskiisa.
Liverpool waxay u badan tahay inay iibiso ciyaartoy ka hor inta aysan u dhaqaaqin saxiixa xiddiga.
Reds ayaa xidhiidh fiican la leh kooxda Benfica waxana ay u fududaynaysaa in ay ku guulaysato saxiixa xiddiga.
Be the first to comment