Joshua Zirkzee Oo Man United U Sheegay Lambarka Uu Doonayo In Uu U Xidho Kooxda.

Xiddiga Joshua Zirkzee ayaa lagu soo waramayaa in uu Man United u gudbiyay codsi ka hor inta uuna dhamaystirin ku biirista Man United.

Weeraryahanka Bologna ayaa lagu wadaa inuu noqdo saxiixa ugu horeeya ee kooxda Man United suuqa kala iibsiga xagaagan.

Red Devils ayaa heshiis la gaartay xiddiga heerka caalami ee dalka Holland, waxaana ay haatan heshiis la gaareen Bologna si ay u bixiyaan wax ka badan lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Lacag dhan 35.7 milyan ginni ayaa la bixin doonaa muddo seddex sano ah waxaana Zirkzee la filayaa inuu saxiixo qandaraas shan sano ah.

Laacibkii hore ee Bayern Munich oo 23 jir ah ayaa hal dalab ka codsaday maamulka kooxda ka hor xaqiijinta heshiiska.

Waxaa lagu soo waramayaa in Zirkzee uu codsaday inuu xirto funaanadda 9-aad ee uu banneeyay Anthony Martial, kaasoo qandaraaskiisu dhacay dhamaadkii bishii hore.

Waxaa jiri kara tartan loogu jiro funaanadda maadama uu xiddiga Rasmus Hojlund sidoo kale doonayo in uu xidho.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga