Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Arsenal Mohamed Elneny ayaa xaqiijiyay inuu ka tagayo kooxda Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Masar ayaan kulamo badan u ciyaarin kooxda xilli ciyaareedka isaga Oo ciyaaray kaliya 3 kulan dhamaantoodna waxa uu ka Soo kacay kaydka.
Xiddigaha Decland Rice, Martin Odegard iyo tomas partey ayaa Elneyny u diiday in uu kulamo badan ciyaaro.
31-sano jirkaan ayaa haatan ah ciyaaryahanka ugu waqtiga dheer Arsenal, isagoo kaga Soo biiray kooxda reer Switzerland ee Basel intii lagu jiray suuqa kala iibsiga bishii January ee 2016.
Tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay Waqooyiga London sideed sano ka hor, Elneny ayaa u saftay Gunners 161 kulan, isagoo u dhaliyay lix gool.
Elneny ayaa bayaan uu soo dhigay bartiisa bulshada ku xaqiijiyay inuu soo afjari doono siddeedii sano Oo uu joogay kooxda.
“Gooners, waxaan maanta halkaan u imid inaan fariin idiin soo diro, si aan u macsalaameeyo, waanad ku mahadsan tihiin wax walba oo aad ii qabateen,” ayuu Elneny ku yiri muuqaal la soo galiyay akoonkiisa rasmiga ah ee X.
Be the first to comment