XASAASI: Xiddig Premier League Ka Ciyaara Oo Xaqiijiyay In Uu Aadi Doono Premier League

Xiddiga kooxda Man City ee Kevin De Bruyne ayaa sheegay in uu u furan yahay ku Biirista horyaalka sucuudiga.

De Bruyne ayaa ka mid ah bartilmaameedka kooxaha horyaalka sucuudiga Inta lagu Jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kevin de Bruyne: “Sacuudi? Da’deyda waa inaad wax walba u furnaataa”.

“Waxaad ka hadlaysaa xaddi lacageed oo cajiib ah marxaladda ugu dambeysa ee xirfadeyda, waa inaad ka fikirtaa taas.”

“Qoyskayga dartiis, tartan xiiso leh waa in Aan ka fikiro”.

“Haddii aan Sacuudiga ka ciyaaro laba sano, waxaan awoodi doonaa inaan helo lacag aan la rumaysan karin…”

“Intaas ka hor waxa ay ahayd in aan ciyaaro kubbadda cagta 15 sano, waxaana laga yaabaa in aanan wali gaadhin lacagtaas”.

“Waa inaad ka fikirtaa waxa ay taasi macnaheedu noqon karto xigta”,

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga