Cristiano Ronaldo Oo Fariin U Diray Mbappe Kadib Markii Uu Ku Biiray Real Madrid.

Cristiano Ronaldo ayaa daaha ka qaaday inuu ku faraxsan yahay daawashada Kylian Mbappe oo u ciyaaraya Real Madrid ka dib markii uu ku biiray kooxda.

Madrid ayaa ku dhawaaqday fiidnimadii Isniinta inay heshiis la gaadheen Mbappe si uu qaab xor ah ugu biro kooxda.

Weeraryahanka reer France ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Santiago Bernabeu tan iyo xilli ciyaareedkii 2016/17 ee AS Monaco.

Waxa uu si gaar ah u diiday fursad uu ugu biiri lahaa Madrid 2022 markaas oo uu heshiis cusub u saxiixay kooxda eer France.

Laakin heshiiska Mbappe ee Madrid haatan la soo gabagabeeyay, halyeeyga kooxda Ronaldo ayaa ka faa’ideystay fursad uu salaan ugu diray xiddiga 25 jirka h.

Isagoo soo dhigay Instagram-ka, Ronaldo ayaa yiri: “Daawashadadaada, waan ku faraxsanahay inaan arko adiga oo shidaya Bernabue”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga