XASAASI: Bayern Munich Oo Wadahadalo La Furtay Xiddig Muhiim U Ah Man United

Kooxda Bayern Munich ayaa wadahadalo kula jirta xiddiga kooxda Man United ee Bruno Fernandes sida ay sheegayaan Wararku.

Mustaqbalka xiddiga ee Old Trafford ayuu shaki ku jiraa ka hor suuqa kala iibsiga xagaaga.

Fernandes, oo 29 jir ah, waxaa kabtanka Man United ka dhigay Erik ten Hag sanadkii hore laakiin waxa laga yaabaa in uu ka tago.

Bayern ayaa wadahadalo la furtay wakiilkiisa Miguel Pinho si ay ugu dhaqaaqaan saxiixiisa sida laga soo xigtay O Jogo.

Warka ayaa intaa ku dartay in Barcelona ay sidoo kale xiiseyneyso saxiixa Fernandes, waxaana laga yaabaa inay wadahadal la furto dhawaan.

SunSport ayaa fahansan in kabtanka United uu ka fikirayo in uu isaga tago kooxda xagaaga

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga