Xaqiiqooynka Laga Diwaan Galiyay Maalintii Ugu Dambeeyay Premier League

Waxa la Soo afjaray xilli ciyaareedka premier league.

Man City ayaa fku guulaystay horyaalka premier premier.

Arsenal ayaa dhinacooda ku dhamaantay kaalinta 2-aad ee premier league.

Kooxaha Liverpool,  man United, Chelsea iyo Tottenham ayaa dhamaantood badiyay kulmadoodii.

Halkan kaga bogo XAQIIQOOYINKA Laga diwaan galiyay kulanka.

1.Manchester City waa kooxdii ugu horeysay ee taariikhda horyaalka Ingiriiska ku guulaysata horyaalka afar xili ciyaareed oo xidhiidh ah, waxayna ku guulaysatay horyaalka 2020-21, 2021-22, 2022-23 iyo 2023-24.

2.Manchester City ayaa haatan laga badin 35 kulan oo tartamada oo dhan ah (29 guul iyo 6 barbaro), waana rikoorkii ugu dheeraa abid ee koox Premier League ah. Taariikhda heerka sare ee Ingiriiska, kooxda kaliya ee aan laga badin mudada dheer waa Nottingham Forest intii u dhaxaysay Maarso iyo Noofambar 1978 (40).

3.pep Guardiola waxa uu Manchester City la qaaday koobkiisii lixaad ee Premier League, waana tababarihii afraad ee ku guulaysta in ka badan lix koob oo horyaalka Ingiriiska ah, waxaana kula jira Sir Alex Ferguson (13), George Ramsay (6) iyo Bob Paisley (6) )

4.Jürgen Klopp ayaa Liverpool kaga tagay guulo dhan 60.9% tartamada oo dhan (299/491), waana tababaraha ugu sareeya ee hogaamiya 50+ kulan Reds.

5.Jürgen Klopp waa macalinka kaliya ee Liverpool ku guuleystay mid kasta oo ka mid ah koobabka European Cup/Champions League, FA Cup, iyo League Cup.

6.Jürgen Klopp ayaa Liverpool ku hogaamiyay dhibcaha ugu sareeya abid ee horyaalka (99 ee 2019-20), ku guulaysiga ugu wanagsan abid ee horyaalka (18 ka Oct 2019 -February 2020), iyo guulaha iyo goolasha ugu badan hal xilli ciyaareed tartamada oo dhan (46 guul. , 147 gool 2021-22).

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga