Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Man United Garaacday Liverpool.

Kooxda Man United ayaa FA Cup-ka ka cidhib-tirtay Liverpool kulan ka dhacay Old Trafford.

Man United ayaa 4/3 kaga badisay kooxda Liverpool kulan waali ahaa oo ay labada kooxood si waali ah u ciyaareen.

Hadaba halkan kaga bogo xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka:

1.Manchester United ayaa markii 11-aad ka reebtay Liverpool tartanka FA Cup-ka; Kaliya Liverpool ayaa koox kale ka reebtay tartan in ka badan waana Everton oo ay tartanka ka reebtay 12 jeer.

2.Liverpool ayaa xilli ciyaareedkan dhalisay 23 gool oo ay dhaliyeen xiddigaha badalka ku soo galay tartamada oo dhan (marka laga reebo gool ay iska dhaliyeen), waana goolasha ugu badan ee koox kasta oo ka ciyaartay shanta horyaal ee ugu waa wayn Yurub 2023-24.

3.Mo Salah ayaa Man United  ka dhaliyay 13 gool 14 kulan oo uu ka horyimid Manchester United; Ma jiro ciyaaryahan ka goolal badan kooxaha haatan ka dhisan Premier League tan iyo markii Salah ku soo biiray Reds (Harry Kane sidoo kale 13 v Everton).

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga