Halyeyga Inter Milan, Wesley Sneijder, ayaa aaminsan in Arsenal laga yaabo inay 4-0 ku garaacdo Paris Saint-Germain marka ay isku wajahaan final-ka Champions League ee ka dhacaya Budapest dabayaaqada bishan.
Waxaa la xusuustaa in Arsenal ay dhawaan u soo baxday final-ka Champions League kadib markii ay ka adkaatay Atlético Madrid, halka PSG ay reebtay Bayern Munich.
Sneijder ayaa yiri isagoo la hadlayay Hard Rock Bet sida ay qortay Metro UK:“Uma maleynayo in daafacyada garbaha ee Arsenal ay yihiin kuwa ugu fiican Champions League-ka, halkaas ayaana PSG awood ku leedahay, gaar ahaan dhinaca bidix.”
Wuxuu sii raaciyay:“Haddii Arsenal ay maareyso oo ay 1-0 ku badiso, markaas waxay noqon doontaa shaqo weyn”
“Laakiin waxaan aaminsanahay inay aad ugu adkaan doonto inaysan goolal ka dhalan PSG. Marka waxay noqon kartaa 3-0 ama 4-0 oo PSG ah, ama 1-0 oo Arsenal ah.”
Be the first to comment