Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.
Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.
Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.
Manchester City ayaa go’aansatay inay dib u dhigto wadahadalada heshiis kordhinta ee Kevin De Bruyne ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan (Football Inside).
Xiddiga reer Belguim ayaa la filayaa inuu dalab weyn ka helo Sacuudiga xagaagan (Football Inside).
Borussia Dortmund ayaa isku diyaarineysa inay dalab 35 milyan oo euro ku dalbato xiddiga amaahda kula jooga ee jadon Sancho (Sun).
Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa ku biiray tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka kooxda Eintracht Frankfurt ee Omar Marmoush kaas oo muddo dheer xiiso ka helaya kooxda Tottenham Hotspur (BILD).
Baacsiga Real Madrid ee daafaca dhexe ee kooxda Lille Leny Yoro waxa cakiray xiisaha kooxda chelsea oo xiddiga 18 jirka ah u aragta badalka Thiago Silva (Standard).
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Sociedad Mikel Merino ayaa xiiso ka helaya Yurub oo dhan. Barcelona ayaa doonaysa in ay hesho xiddiga reer Spain kaas oo heshiiskiisa lagu bur-burin karo 60 milyan oo euro, halka Arsenal iyo Man United ay sidoo kale ku raad joogaan Merino (Fichajes).
Tottenham ayaa si joogto ah ula saxiixan doonta Timo Werner dhamaadka amaahda laakiin waxa ay tartan kala kulmi doontaa Manchester United, kuwaas oo la dhacay saamaynta weeraryahanka (Fichajes).
Arsenal, Chelsea iyo Man Utd ayaa dhamaantood isha ku haya daafaca dhexe ee Barcelona Pau Cubarsi, kaasoo qandaraaskiisa haatan ay ku jirto qiimaha lagu burburin karo 8 milyan oo euro (Sport).
Bayern Munich ayaa xiiseyneysa saxiixa goolhayaha AC Milan Mike Maignan iyagoo raadinaya goolhayaha mustaqbalka fog ee Manuel Neuer (DiMarzio).
Baadigoobka ay ku raadinayaan daafac bidix oo cusub, Chelsea ayaa liiska xiddigaha ay doonayso ku dartay xiddiga Wolves ee Rayan Ait-Nouri, Bradley Locko oo ka tirsan Brest iyo xiddiga Gladbach Luca Netz (Simon Phillips).
Chelsea ayaa ka cabsi qabta inay waayi doonto weeraryahanka Napoli Victor Osimhen xagaaga, iyadoo Paris St-Germain iyo Arsenal ay ku loolamayaan saxiixa 25-jirka reer Nigeria (Teamtalk).
Weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford, oo 26 sanno jir ah, lama filayo inuu u dhaqaaqo PSG xagaagan ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciyaaryahanka reer England uu bedelayo weeraryahanka France Kylian Mbappe (Sky Sport).
Be the first to comment