Halyeeyga Manchester United, Paul Scholes, ayaa kooxda kula taliyay inay xagaagan u dhaqaaqdo saxiixa daafaca dhexe ee Tottenham iyo xulka Argentina, Cristian Romero.
Romero, oo 28 jir ah, ayaa lala xiriirinayaa inuu ka tago Tottenham, iyadoo Atlético Madrid, Inter Milan iyo Arsenal ay dhammaantood xiiseynayaan xaaladdiisa. Atlético Madrid ayaa hadda loo arkaa kooxda ugu dhow saxiixiisa.
Scholes ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Manchester United ay u baahan tahay daafacyo dhexe oo cusub, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay Romero.
Wuxuu yiri “Waxaan u maleynayaa in United ay u baahan tahay laba daafac dhexe. Aniga ahaan, waan lasoo saxiixan lahaa Cristian Romero.”
Scholes wuxuu qirtay in Romero uu leeyahay dabeecad kulul iyo taariikh ganaaxyo badan, balse wuxuu aaminsan yahay in tayadiisa kubadeed ay ka sarreyso dhibatooyin dhanka anshaxa ah, laakiin waa daafac dhexe oo aad u wanaagsan.”
Scholes ayaa sidoo kale aaminsan in Michael Carrick uu awood u yeelan karo inuu Romero dejiyo oo uu ka caawiyo inuu si fiican u isticmaalo tayadiisa:- “Waxaan u maleynayaa in Michael Carrick uu runtii dejin karo, isla markaana uu ka dhigi karo ciyaaryahan aad muhiim ugu ah kooxda.”
Scholes wuxuu intaas ku daray in qiimaha lagu heli karo Romero uu Manchester United u noqon karo fursad, gaar ahaan maadaama kooxda ay weli u baahan tahay xoojin dhanka daafaca dhexe ah.
Marka su’aashu waxay tahay: Manchester United ma dhageysan doontaa talada Paul Scholes, mise Cristian Romero wuxuu ugu dambeyn ku biiri doonaa Atlético Madrid?
Be the first to comment