Ronald Araújo ayaa fariin uu ku muujinayo sida uu uga go’an yahay Liverpool u diray taageerayaasha kooxda, kaddib markii uu si rasmi ah ugu biiray Reds xilli ciyaareedka 2026/27.
Daafaca reer Uruguay ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu shaqo adag qabto, isla markaana uu wax walba u sameyn doono sidii uu kooxda ugu caawin lahaa inay guulo gaarto.
Araújo wuxuu yiri: “Waxaan bixin doonaa intii karaankeyga ah, Waxaan doonayaa inaan si dhab ah, si aad iyo aad u adag u shaqeeyo.”
Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay taageerayaasha Liverpool fariimaha ay u soo direen tan iyo markii uu yimid Anfield.
“Waxaan uga mahadcelinayaa taageerayaasha fariimaha aan horay u helay, Waxaan rajeynayaa inaan intii karaankeyga ah sameeyo, isla markaana aan si wanaagsan ugu soo bandhigo xilli ciyaareedka oo dhan.”
Araújo ayaa sidoo kale sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay fursadda uu u helay inuu ka ciyaaro Premier League, isagoo xusay in Liverpool ay tahay koox weyn oo leh taariikh iyo koobab badan.
Waxa kale oo uu si gaar ah u sheegay inuu rajeynayo inuu garabka ka ciyaaro Virgil van Dijk, kaasoo uu ku tilmaamay tusaale iyo halbeeg uu isagu shaqsi ahaan ka daydo.
Ugu dambeyn, fariinta Araújo waxay muujineysaa inuu doonayo inuu taageerayaasha Liverpool ku qanciyo dadaal, shaqo adag iyo bandhig wanaagsan marka uu si rasmi ah u bilaabo waayihiisa Anfield.
Be the first to comment