Tababaraha Manchester United Michael Carrick ayaa fariin cad ka bixiyay xaaladda Marcus Rashford, xilli weeraryahanka reer England uu dib ugu soo laabtay kooxda kadib amaah uu xilli ciyaareedkii hore kula qaatay Barcelona.
Carrick ayaa sheegay in Rashford uu hadda yahay ciyaaryahan Manchester United ah, isla markaana uu si wanaagsan ugu soo laabtay kooxda waxa uu yiri :- “Waa ciyaaryahankeena, si wanaagsan ayuu kusoo laabtay.”
Carrick oo Rashford muddo dheer yaqaanay ayaa intaas ku daray in xiddiga reer England uu kooxda siinayo wax ka duwan ciyaartoyda kale, isagoo sheegay inuu ku soo laabtay xaalad wanaagsan oo niyaddiisuna fiican tahay.
“Waxaan Marcus aqaanay muddo dheer, wuxuuna na siinayaa wax yar oo ka duwan,” ayuu yiri Carrick.
Rashford ayaa Manchester United ku soo laabtay kadib markii Barcelona ay go’aansatay inaysan si rasmi ah u iibsan, inkastoo uu xilli ciyaareedkii hore amaah kula joogay kooxda reer Spain. Sidaas darteed, mustaqbalkiisa Old Trafford weli wuxuu ahaa arrin aan si buuxda loo xallin.
Si kastaba, hadallada Carrick waxay muujinayaan in albaabka Manchester United uusan Rashford ka xirnayn, waxaana suuragal ah inuu qayb ka noqdo qorshaha kooxda xilli ciyaareedka cusub., Carrick wuxuu sidoo kale sheegay in kooxda ay hadda si wanaagsan ugu diyaar garoobeyso bilowga xilli ciyaareedka.
Be the first to comment