WAR CULUS:- Hansi Flick oo tallaabo adag qaaday kadib dhaawaca Xidig kamid ah safka kooxda …..

Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa go’aan adag qaatay kadib dhaawac halis ah oo soo gaaray ciyaaryahanka reer Sweden Ronnie Bardghji intii lagu jiray tababarka.

Barcelona ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Bardghji uu dhaawac ka soo gaaray seedda hore ee jilibka midig (ACL), Dhaawacan ayaa dhabar-jab weyn ku ah ciyaaryahanka, gaar ahaan xilli ay jireen qorshayaal la xiriiray mustaqbalkiisa iyo suuragalnimada inuu xagaagan ka tago kooxda.

Kadib dhacdadan, Flick ayaa go’aansaday inuu si gaar ah uga taxaddaro ciyaartoyda kale ee Barcelona ee sidoo kale lala xiriirinayo inay kooxda ka tagaan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sida ay sheegtay Mundo Deportivo, Flick ayaa lix ciyaaryahan ka ilaalinaya tababarka guud ee kooxda, si loo yareeyo khatarta dhaawac kale oo ku yimaada ciyaaryahan muhiim u ah qorshaha kooxda ee suuqa kala iibsiga.

Ciyaartoyda uu Flick si gaar ah uga taxaddarayo waa Marc Casadó, Héctor Fort, Jofre Torrents, Tommy Marques, Toni Fernández iyo Gille Fernández.

Dhammaan lixdan ciyaaryahan ayaa lala xiriirinayaa inay Barcelona ka tagaan xagaagan, sidaas darteed kooxda ayaa doonaysa inay caafimaadkooda si buuxda u ilaaliso ilaa mustaqbalkooda la go’aamiyo.

Flick ayaa sidaas darteed doortay in ciyaartoydan laga fogeeyo qaybta ugu weyn ee tababarka, iyadoo ujeeddadu tahay in laga fogaado dhaawac cusub oo burburin kara qorshayaasha Barcelona ee suuqa kala iibsiga.

Dhaawaca Bardghji ayaa kooxda u noqday digniin weyn, waxaana hadda Flick uu doonayaa in aan ciyaaryahan kale oo lala xiriirinayo bixitaan uu la kulmin xaalad la mid ah tan ku dhacday xiddiga reer Sweden.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga