Florian Wirtz ayaa ka hadlay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Liverpool iyo waxa uu ka filayo xilli ciyaareedka cusub, isagoo qirtay in sanadkiisii ugu horreeyay ee Premier League uusan ahayn mid sahlan, balse uu hadda dareemayo inuu si wanaagsan ugu diyaar garoobay.
Wirtz ayaa Liverpool ugu soo biiray £116 milyan oo uu kaga yimid Bayer Leverkusen, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu qaalisan taariikhda kooxda. Si kastaba, xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ma uusan gaarsiisneyn heerkii cajiibka ahaa ee lagu yaqaanay intii uu joogay Leverkusen.
Wuxuu sheegay inuu jiray kulamo uusan ku qanacsanayn qaab ciyaareedkiisa, balse sidoo kale ay jireen kulamo badan oo uu dareemay inuu si wanaagsan u ciyaaray.
Wirtz wuxuu qirtay in xilli ciyaareedkii hore uu Liverpool oo dhan ku adkaa, balse uu rajeynayo in kooxda ay xilli ciyaareedka cusub la soo geli doonto maskax, tamar iyo isku-kalsooni wanaagsan, si ciyaartoy kasta uu u muujiyo awooddiisa.
Xiddiga reer Germany ayaa sidoo kale sheegay in Liverpool ay doonayso inay badiso kulamo badan isla markaana ay u tartanto dhammaan koobabka ay ka qaybgalayso, Wuxuu tilmaamay in kooxda ay u baahan tahay inay noqoto mid ka fiiqan oo ka xoog badan marka ay ciyaareyso, gaar ahaan marka kubadda la haysto.
Wirtz ayaa sidoo kale sheegay inay mararka qaar Liverpool si fudud kubadda u lumisay, isla markaana ay u baahan tahay inay horumar ka sameyso xakamaynta ciyaarta.
Isaga dhankiisa, Wirtz wuxuu sheegay inuusan diiradda saarin sida uu muhiim ugu yahay kooxda, balse uu doonayo inuu doorarkiisa horumariyo, waxqabadkiisa sare u qaado, isla markaana Liverpool kula guuleysto koobab badan.
Waxa uu sidoo kale xusay in sanadkii ugu horreeyay ee England uu wax badan ka bartay, maadaama kubadda cagta Premier League ay kaga duwan tahay tan Jarmalka.
Hadda, isagoo si fiican u bartay ciyaartoyda, kooxaha iyo qaabka ciyaaraha England, Wirtz wuxuu aaminsan yahay inuu si weyn ugu diyaarsan yahay xilli ciyaareedkiisa labaad.
Dhanka tababaraha cusub Andoni Iraola, Wirtz wuxuu sheegay inuu aad u jecel yahay fikradaha uu tababaruhu ka qabo kubadda cagta.
Wirtz wuxuu yiri: “Waxaan jeclahay fikradda kubadda cagta ee Iraola.”
Wuxuu intaas ku daray in inkastoo uusan weli si qoto dheer ugala hadlin Iraola qaabka ciyaarta, haddana uu aaminsan yahay in tababaraha uu leeyahay fikrado u gaar ah, ayna kooxda hadda tahay inay si wanaagsan uga shaqeyso sidii ay u hirgelin lahayd.
Markii la weydiiyay booska uu doorbidayo inuu ka ciyaaro, Wirtz wuxuu si cad u sheegay in lambarka 10-aad uu yahay booskiisa uu ugu jecel yahay uguna fiican yahay, inkastoo uu awood u leeyahay inuu ka ciyaaro boosas kala duwan.
Ugu dambeyn, Wirtz wuxuu sheegay inuu hadda kaliya laba toddobaad ku soo jiray tababarka, balse uu aad ugu faraxsan yahay bilowga cusub.a
Be the first to comment