Warar cusub ayaa sheegaya in Manchester City ay si xooggan uga shaqaynayso saxiixa xiddiga reer Argentina Enzo Fernández, oo hadda u ciyaara Chelsea, iyadoo kooxda Pep Guardiola ay doonayso inay xoojiso khadkeeda dhexe.
Enzo Fernández ayaa noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ay xiiseynayaan kooxaha waaweyn ee Yurub, waxaana sidoo kale la sheegay in Real Madrid ay isha ku hayso xaaladdiisa.
Sida uu sheegay wariyaha suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano, Chelsea ayaa Manchester City u dejisay waqti kama dambeys ah oo ay ku soo gudbiso dalabkeeda, kaasoo ah Jimcaha saacadda 7:00 fiidnimo xilliga geeska afrika iyo Maka.
Manchester City ayaa maalmahan wadahadallo kula jirtay wakiillada Enzo Fernández, balse Chelsea waxay si cad u sheegtay mowqifkeeda: ma iibinayso ciyaaryahanka wax ka yar £120 milyan, iyadoo sidoo kale dooneysa in la isla meel dhigo shuruudaha lacag-bixinta.
Sidaas darteed, Manchester City waxaa hor yaalla go’aan adag: haddii ay bixiso £120 milyan waqtiga loo qabtay, heshiisku wuu dhaqaaqi karaa; haddii aysan sidaas sameyn, Chelsea ma dooneyso inay Enzo Fernández ka iibiso kooxda Manchester.
Haddii heshiiskani dhacana, Enzo Fernández wuxuu noqon karaa mid ka mid ah saxiixyada ugu qaalisan taariikhda Manchester City, iyadoo kooxda ay isku dayayso inay khadkeeda dhexe ku sii xoojiso ciyaaryahan heer caalami ah.
Be the first to comment