
Halyeeyga Arsenal ee Thierry Henry ayaa sheegay in uu xiddiga Barcelona ee Raphinha ka horeeyo xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah tartanka abaalmarinta Ballon D’or-ka sanadkan.
Raphinha iyo Salah ayaa wacdaro Dhigaya xilli ciyaareedkan iyaga oo goolal badan u dhaliyay una caawiyay kooxohooda.
Henry ayaa sheegay in uu Raphinha Salah Kaga horeeyo Abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka sabab la xidhiidha qaab ciyaareedkiisa champions league.
“Raphinha wuu ka horeeyaa, haa, [tartanka Ballon d’Or], sababtoo ah waxa uu ka sameynayo Champions League, wuxuu dhaliyay 11 gool,” ayuu yiri.
“Mohamed Salah si weyn ayuu ugu tartamaya sidoo kale Haryy Kane”.
“Raphinha waxa uu ku jiraa goolal badan isaga oo dhaliyay hal rigoore, ma odhanayo Kane ma ahan in uu rikoodhayaal dhaliyo laakiin marka uu xiddig kula goolal yahay ama kaa badan yahay isaga oo dhaliyay kaliya Hal rikoodhe waxa aan odhan karaa waxa uu ku jiraa qaab ciyaareed fiican”.
Be the first to comment