
Mohamed Salah ayaa ah “musharrax xoogan” Ballon d’Or isaga oo garab taagan xiddiga Real Madrid ee Vinicius Junior laakiin labo ciyaaryahan oo Barcelona ah ayaa haatan hogaaminaya tartanka sida uu sheegay weeraryahankii hore ee Brazil Rivaldo.
Iyada oo la galay marxaladii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkan waxa la hadal hayaa xiddigaha ku Guulaysan Kara Abaalmarinta Ballon d’Or.
Waxa dhiman kulamo badan oo la ciyaari doono kama mid yahay Final Champions League Oo inta badan go’aamisa xiddiga ku guulaystan abaalmarinta laakiin taas ayaan ka Hor istaagin taageerayasha iyo khabiirada in ay sii saadaaliyaan xiddiga ugu cadcad.
Xiddigii Hore ee kooxda Barcelona Rivaldo ayaa aaminsan in xiddigaha Raphinha iyo Lamine ugu cadcad yihiin abaalmarinta.
“Haatan ma arko qof ka horeeya Lamine iyo Raphinha tartanka loogu jiro ku guuleysiga Ballon d’Or,” ayuu yiri.
“Laga yaabee hadii aan eegno meel ka baxsan Spain, Salah waa musharax xoogan xilli ciyaareedkiisa, Vinicius mar walba wuu joogi doonaa. Waxaas oo dhan waxay ku xirnaan doonaan wax badan oo ku saabsan Barcelona iyo ku Guulaysiga koobabka laakiin labaduba waxay ku jiraan xilli ciyaareed wanaagsan.”
Be the first to comment