Ten Hag Oo Sharaxay Sababtii Ay Man United U Soo Afjartay Heshiiskii Amaahda Ahaa Ee Reguilon

Tababaraha Kooxda Man United ee Reguilon ayaa ka hadlay sababtii ay kooxdiisu u soo afjartay heshiiskii amaahda ahaa ee ay kula wareegtay xiddiga Reguilon.

Man United ayaa wakhti hore soo afjartay heshiiskii amaahda ahaa ee xiddiga Reguilon suuqii January iyaga oo iska fasaxay xiddiga reer Spain.

Ten Hag oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waaxda caafimaadka ayaa ii sheegay in Luke Shaw iyo Malacia ay taam noqon doonaan January”.

“Sidaas darteed waxa aan haysan doonaa laba daafac oo isku boos ka ciyaara waxana aan go’aansanay in aan iska fasaxno Reguilon”

“Kadib waxa aan ogaaday in aanay wali taam noqon doonin sidaas darteed aad ayaan uga niyad jabsanahaya”ayuu Ten Hag yidhi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga