Taageerayaasha Barcelona ayaa si cajiib ah uga falceliyey kadib Anthony Gordon oo ….

Xiddiga cusub ee kooxda Barcelona, Anthony Gordon, ayaa soo jiitay indhaha taageerayaasha kadib markii la beddelay kulankii kooxdiisu ay 5-0 kaga adkaatay Valencia, isagoo muujiyay dadaal iyo hufnaan uu aad loogu ammaanay baraha bulshada.

Gordon ayaa ciyaaray goolkii uu Fermin Lopez dhaliyay daqiiqaddii 22-aad, taasoo ka dhigtay inuu sameeyo caawintii afraad ee afar kulan oo La Liga ah. Waxa uu sidoo kale si wanaagsan u barbareeyay rikoor ay hore u dhigeen xidigihii Barcelona ee Cesc Fabregas iyo Luis Suarez oo ahaa in afar kulan lagu sameeyo afarta kulan ee ugu horreeya horyaalka.

Tababare Hansi Flick ayaa beddelay Gordon daqiiqaddii 60-aad, iyadoo kooxdu ay ku hoggaaminaysay ciyaarta 3-0, waxaana booskiisa soo galay Karim Adeyemi. Gordon ayaa muujiyay deganaansho buuxa iyadoo aysan ka muuqan wax xanaaq ah, wuxuuna si xushmad leh booska ugu bannay Adeyemi, taasoo taageerayaashu aad u falanqeeyeen.

Qaar kamid ah taageerayaasha ayaa ku amaanay sida wanaagsan ee uu u dhaqmay, gaar ahaan markii uu garoonka ka baxay xilli uu raadinayay gool.

Isagoo ka hadlayay noloshiisa cusub ee Barcelona, Gordon ayaa sheegay inuu ciyaartoyda kooxda iyo taageerayaasha si wanaagsan ula qabsaday. Xiddigan ayaa haatan diyaar u ah kulankiisa ugu horreeya ee horyaalka Yurub iyo Champions League, iyadoo Barcelona ay ku ciyaari doonto gurigeeda, halka ay marti u noqon doonto Feyenoord.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga