
Kooxaha Premier League ayaa heysta waqti dheeri ah oo ay ku sameynayaan ganacsigooda suuqa kala iibsiga ee January maadaama la kordhiyay xuduudaha suuqa kala iibsiga ee Bisha January.
Dhammaadkii hore ee January oo ku beegnayd 31-kii Bisha ayay ahayd in uu suuqu xidhmo laakiin wali suuqa ayaan xidhmin.
2025, February 3 waa taariikhda cusub ee uu suuqa kala iibsigu xidhmi doono kadib is badal ku yimid iyada oo horyaalada kale ee reer yurub uu xidhmi doono suuqoodu.
Bayaan ka soo baxay Premier League oo ku saabsan isbeddelka kama dambaysta ah ayaa u dhignaa: “suuqa January waxa uu xidhmi doonaa 2 Bisha February 2025″.
“Si loo hubiyo iswaafajinta horyaalada waaweyn ee Yurub, taariikhaha xidhitaanka ayaa la dejiyey ka dib wadahadalo lala yeeshay EFL, DFL, Serie A, La Liga, iyo LFP, kuwaas oo dhamaantood xidhi doona 3 Bisha February ee Bishan”.
Be the first to comment