Supercomputer Oo Saadaaliyay Tababaraha Shaqada Liverpool Ka Badli Doona Jurgen Klopp.

Supercomputer ayaa saadaaliyay in seddex tababare oo ku guuleystay Champions League ay u dagaalami doonaan si ay u bedelaan Jurgen Klopp oo ah tababaraha Liverpool.

Bishii hore Klopp ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu ka tagayo shaqada tababaranimo ee Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha reer Jarmal ayaa la wareegay shaqada Anfield 2015, sagaalkii sano ee ugu dambeysay wuxuu kooxda ku hogaamiyay hanashada Premier League, Champions League iyo FA Cup.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo uu xiriir dhow la sameeyay taageerayaasha Liverpool iyo magaalada, 56-sano jirkaan ayaa qirtay inuu daalan yahay uuna u baahan yahay waqti uu ka maqnaado maamulka kubada cagta.

Shaacinta Klopp ayaa keentay hadal hayn badan oo ku saabsan tababaraha Klopp ka badali doona shaqada kooxda Liverpool.

Haatan supercomputer Ayaa saadaaliyay in ay 5 tababare u sharaxan yihiin iyada oo 3 ka mid ah mar horeba ku guulaysteen champions League.

Tababaraha xulka qaranka Talyaaniga ee Luciano Spalletti ayaa 93% fursad u haysta in uu noqdo tababarhaa kooxda Liverpool isla markaas ka badalo Klopp shaqada Reds.

Waxa ku xiga tababarihii hore ee Real Madrid ee Zinedine Zidane kaas oo 92% ugu cad-cad in uu noqdo tababaraha kooxda Liverpool.

Tababaraha kooxda PSG ee Luis Enrique ayaa dhinaciisa haysta 92% in uu noqdo tabababraha cusub ee kooxda Liverpool.

Tababare Julen Lopetegui ayaa dhinaciisa 89% ugu cad-cad in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Liverpool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga