Supercomputer Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Tartanka champions League ayaa si Rasmi ah u bilaaban doona habeen dambe iyada oo kooxaha reer yurub bilaabi doonaan u dagaalankooda koobka ugu weyn dhinaca koobaha qaarada yurub.

Supercomputer ayaa saadaaliyay in Manchester City ay ku guuleysan doonto Champions League xilli ay PSG tahay kooxda 9-aad ee ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka xilli ciyaareedkan.

Kooxda PSG ayaa xagaagii dhistay koox dhinaca shaxda ah koox aan loo babac dhigi karin iyaga oo la soo saxiixday xiddigaha uu hogaaminayo Lionel Messi.

Laakiin supercomputer ayaa kaliya fursad 4% ah siiyay ku guulaysiga kooxda PSG ee tartanka champions League inkasta oo ay haysato weerarka ugu fiican kana kooban Messi, Neymar iyo Mbappe.

supercomputer ayaa kooxda Man City oo laga qaaday champions league xilli ciyaareedkii hore u saadaaliyay ku guulaysiga tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale chelsea ayaa la siiyay 10% in ay difaacan doonaan champions league xilli ciyaareedkan kadib markii ay xilli ciyaareedkii hore u dabaal dageen koobka.

supercomputer ayaa kooxaha Liverpool, Bayern Munich, iyo Man United siiyay 9 iyo 5% in ay ku guulaysan doonaan champions League xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Manchester City – 16% fursad ku guulaysi

Bayern Munich – 11%

Chelsea – 10%

Liverpool – 9%

Barcelona – 8%

Real Madrid – 6%

Manchester United – 5%

Ajax – 5%

RB Leipzig – 4%

Paris Saint-Germain – 4%

Borussia Dortmund – 4%

Atletico Madrid – 4%

Inter Milan – 4%

Juventus – 2%

Sevilla – 2%

Atalanta – 1%

FC Salzburg – 1%

Wolfsburg – <1%

Benfica – <1%

FC Porto – <1%

Villarreal – <1%

AC Milan – <1%

Sporting CP – <1%

Zenit St. Petersburg – <1%

Lille – <1%

Shakhtar Donetsk – <1%

BSC Young Boys – <1%

Club Brugge – <1%

Besiktas – <1%

Dynamo Kyiv – <1%

Malmo – <1%

Sheriff Tiraspol – <1%

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*