
Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay sare u qaado dalabka ay ku doonayso Viktor Gyokeres laakiin Manchester United ayaa sidoo kale dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Sporting CP sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Portugal.
Horaantii usbuucan, agaasimaha isboortiga ee Arsenal, Andrea Berta, ayaa kula kulmay dhiggiisa Sporting, Bernardo Palmeiro, Menorca si ay ugala hadlaan heshiiska xiddiga heerka caalami ee dalka Sweden.
Si kastaba ha ahaatee, Sporting ayaa diiday dalabkii ugu horeeyay ee Arsenal oo dhamaa 55 milyan oo euro Iyo 10 milyan oo Guno ah.
Sporting ayaa si cad u sheegtay inay diyaar u tahay inay ku iibiso Gyokeres wax ka yar €100m laakiin ma aqbli doonto wax ka yar 80 milyan oo euro.
Sida laga soo xigtay Maisfutebol, Arsenal ayaa diyaar u ah inay u gudbiso dalab cusub iyaga oo markan diyaar la ah dalab 70 milyan oo euro kuna jirto lacago gunooyin ah.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Sporting ay diyaar u tahay inay wadahadalo kale la gasho Arsenal, halka ay jirto ‘rajo soo koreysa’ oo ku taal xerada Gyokeres ee ah in heshiis ay ku heshiin karaan labada kooxood.
Waxa kale oo la sheegay in United ay ku sii jirto tartanka loogu jiro Gyokeres oo ay u cadaysay Sporting inay diyaar u tahay inay bixiyaan lacag han 60 milyan oo euro Iyo waliba 10 milyan oo Gunooyin ah.
Be the first to comment