
Weeraryahanka reer Uruguay Darwin Nunez ayaa u muuqda inuu ka tagayo Liverpool inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, inkastoo qandaraaskiisa kooxda uu ku eg yahay June 30, 2028.
`Suxufiga lagu kalsoonaan karo ee Fabrizio Romano ayaa daaha ka qaaday akoonkiisa rasmiga ah ee X in Nunez uu ka tagayo xagaagan uu noqday mid la hubo, isaga oo xusay in ay jirto xiiso weyn oo loo qabo ciyaartoyga kooxo badan oo Sucuudi ah tan iyo bishii January ee la soo dhaafay.
Romano ayaa sharaxay in kooxda reer Talyaani ee Napoli ay wadahadalo la gashay Nunez dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana uu magaciisa ku daray liiska musharaxiinta, iyadoo la filayo in wada xaajoodyo kale ay dhowaan dhacaan.
Suxufiga reer Talyaani ayaa xaqiijiyay in Nunez uu u furan yahay waayo-aragnimo cusub, ha ahaato horyaalka Sacuudiga ama uu ka sii socdo Yurub.
Waxaa xusid mudan in Darwin Nunez uu Liverpool u ciyaaray 140-kulan tartamada oo dhan, wuxuuna u dhaliyay 40-gool, wuxuuna caawiyay 26-kale.
Be the first to comment