Spain Oo Taariikh Sameeyay Kadib Guushii Final Koobka Adduunka.

Xulka qaranka Spain ayaa sii waday qorista taariikh cusub, kaddib markii ay gaareen 38 kulan oo xiriir ah oo aan laga badin tartamada oo dhan, taas oo timid guushii ay ka gaareen Argentina 1-0 kaddib waqti dheeri ah Final-kii Koobka Adduunka 2026.

Guushan ayaa ka dhigtay Spain xulka leh rikoodhka ugu dheer ee aan laga badin taariikhda xulalka Yurub iyo Koonfurta Ameerika, iyagoo dhaafay dhammaan quwadihii waaweynaa ee labada qaar.

Rikoodhkan taariikhiga ah ayaa sidoo kale ku soo beegantay markii Spain ay ku guuleysatay Koobkeedii labaad ee Adduunka, kaddib safar cajiib ah oo muujiyay awoodda iyo tayada ay kooxdaasi ku leedahay masraxa caalamiga ah, isla markaana xaqiijisay inay noqotay mid ka mid ah xulalka ugu awoodda badan dunida sannadihii u dambeeyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga