Ryan Cherki oo wacdareeyey & Haaland oo ku Hoggaamiyay guul xasuuq aheyd Man City

Manchester City ayaa guul weyn oo 4-1 ah ka gaartay Crystal Palace kulan ka tirsanaa toddobaadka labaad ee Premier League xilli ciyaareedka 2026/27.

Kooxda uu hoggaamiyo tababare Enzo Maresca ayaa si xooggan ku bilaabatay ciyaarta, waxaana Erling Haaland uu furay goolasha daqiiqaddii 18-aad, isagoo madax ku dhaliyay kubbad qurux badan oo uu ka helay Antoine Semenyo, qeybtii labaad xiddiga reer France Ryan Cherki ayaa bandhig cajiib ah sameeya, wuxuu dhaliyay goolkii labaad ee City daqiiqaddii 54-aad, kaddib baas uu ka helay Phil Foden.

Crystal Palace ayaa laba daqiiqo kaddib hal gool iska soo celisay, balse wuxuu ku yimid gool iska dhalis ah, kadib kubbad ku dhacday goolhayaha Gianluigi Donnarumma.

Cherki ayaa markale shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 60-aad, isagoo dhaliyay goolkiisii labaad iyo goolkii saddexaad ee Manchester City.

Daqiiqaddii 82-aad, ciyaaryahanka cusub ee reer Morocco Ayoub Bouaddi ayaa saftay kulankiisii ugu horreeyay ee Manchester City, kadib markii uu xagaagan kaga soo biiray Lille, ugu dambeyn  Erling Haaland ayaa dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta daqiiqaddii 84-aad, isagoo mar kale ka faa’iideystay caawin uu sameeyey Phil Foden, si uu ciyaarta ugu soo xiro 4-1.

Guushan ayaa Manchester City ka dhigtay hoggaamiyaha Premier League iyadoo leh 6 dhibcood laba kulan kadib, halka Crystal Palace ay weli ku jirto gunta horyaalka iyadoo aan wax dhibco ah helin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga