Ronaldo iyo Portugal Oo Cacsalaameeyay Koobka Adduunka, Spain Oo Guul Cajiib Ah Gaartay!

Spain ayaa u gudubtay wareega siddeed dhammaadka ee Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay 1-0 kaga adkaatay Portugal kulan xiiso badan oo caawa ka dhacay garoonka Dallas Stadium.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid deggan oo inta badan lagu loollamayay khadka dhexe. Daqiiqaddii 7-aad ayuu Mikel Oyarzabal ku sigtay inuu Spain hoggaanka u dhiibo kaddib baas uu ka helay Dani Olmo, balse kubaddiisa ayaa wax yar ka baxday birta goolka.

Portugal ayaa jawaab celisay daqiiqaddii 11-aad, markaas oo Cristiano Ronaldo uu laad xooggan ka dhex tuuray diilinta ganaaxa, hase yeeshee goolhayaha Spain ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah. Spain ayaa sii waday cadaadiska, iyadoo Lamine Yamal uu ku dhowaaday inuu goolka furo daqiiqaddii 16-aad, balse goolhayaha Portugal ayaa ka hor istaagay. Isla weerarkaas ayuu sidoo kale badbaadiyay darbo uu soo tuuray Alex Baena.

Daqiiqaddii 30-aad, goolhayaha Portugal ayaa kooxdiisa ka badbaadiyay gool hubaal ahaa markii uu iska bixiyay kubad dheer oo halis ahayd, wax yar ka hor inta uusan madax uu qaaday Dani Olmo si dirqi ah uga bixin goolka. Portugal ayaa markale fursad lumisay daqiiqaddii 37-aad, markii João Félix uu kaligiis goolka u baxay, balse goolhayaha Spain ayaa mar kale muujiyay tayadiisa isagoo kubadda ka hor istaagay.

Kahor dhammaadka qaybta hore, Nuno Mendes ayaa daqiiqaddii 41-aad tuuray darbo xooggan, balse daafac Spain ah ayaa madaxa ku leexiyay ka hor inta aysan kubaddu ku dhicin birta kore, sidaas ayaana lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Qaybtii labaad labada dhinacba waxay sii wadeen raadinta goolka guusha. Goolhayaha Portugal ayaa daqiiqaddii 72-aad badbaadiyay laad xor ah oo uu soo tuuray Lamine Yamal. Daqiiqaddii 79-aad, Ferran Torres ayaa seegay fursad dahabi ah oo uu Spain hoggaanka ugu dhiibi lahaa, kaddib markii daafaca Portugal uu kubadda waqtigii ugu dambeeyay iska bixiyay.

Ugu dambeyn, daqiiqaddii 90+1, Spain ayaa dhalisay goolka guusha, markii baas uu bixiyay Ferran Torres uu gaaray beddelka Mikel Merino, kaasoo kubad hoose oo uu ka dhex tuuray diilinta ganaaxa ku hubsaday shabaqa.

Portugal ayaa heshay fursaddii ugu dambeysay ee barbaraha daqiiqaddii 90+6, balse Silva ayaa madax uu qaaday ka dul mariyay goolka, taasoo xaqiijisay guusha Spain iyo u soo bixitaankeeda wareega siddeed dhammaadka ee Koobka Adduunka 2026.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga