Pep Guardiola Oo Barcelona U Tilmaamay Badalka Xavi.

Pep Guardiola ayaa kula taliyay kooxda Barcelona in ay tababare ka dhigato tababaraha kooxda Brighton ee Roberto De Zerbi si uu u badalo Xavi.

Barca ayaa raadineysa bedelka Xavi ka dib markii uu ku dhawaaqay bishii January inuu ka tagayo shaqada tababarenimo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Dhowr musharax ayaa durba lala xiriiriyay in ay noqonayaan tababaraha cusub ee kooxda waxana ka mid ah Thomas Tuchel iyo waliba tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta.

Si kasta ha ahaatee Guardiola ayaa Maamulka Barcelona u sheegay in ay Roberto De Zerbi Ka dhigtaan badalka Xavi.

Roberto De Zerbi ayaa shaqo fiican ka qabanaya kooxda Brighton isaga oo u soo saaray tartamada yurub.

Waxaa la sheegay in Laporta uu hadda isha ku hayo horumarka Brighton ee De Zerbi inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga