Jamie Carragher: Rice waxa ay noqon kartaa saxiixii abid ugu weynaa ee Arsenl Hadii….?

Declan Rice wuxuu noqon karaa mid ka mid ah saxiixyada ugu muhiimsan taariikhda Arsenal, sida uu qabo Jamie Carragher, iyadoo Gunners ay kula tartamayso Liverpool iyo Manchester City tartanka Premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Arsenal ayaa badisay 8 kulan oo xidhiidh ah horyaalka premier League sanadkan iyaga oo hogaanka u qabtay horyaalka premier League.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa noqday xiddig muhiim u ah Arsenal isaga oo dhaliyay 6 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Carragher ayaa bogaadiyay saameynta 25-jirkan, isagoo aaminsan lacagtii laga soo bixiyay aan la xasuusan doonin hadii ay Arsenal ku guulaysato.

“Haddii Arsenal ay ku guulaysato horyaalka Premier League waxa uu Rice noqon doona xiddiga ugu fiican taariikhda Arsenal”.Ayuu yidhi.

“Rice waxa uu ahaa wixii ugu dambeeyay ee ka maqnaa Arsenal si ay ugu guulaysato horyaalka premier League”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga