Paul Scholes Oo Saadaalin Cusub Ka Sameeyay Premier League.

Halyeeygii hore ee Manchester United, Paul Scholes, ayaa bixiyay saadaal cusub oo ku saabsan hanashada horyaalka Premier League, taas oo ku saabsan Arsenal iyo Manchester City.

Scholes ayaa hadda aaminsan in kooxda uu tababaro Pep Guardiola ay ka dul-boodi doonto Arsenal oo ay ku guuleysan doonto horyaalka, isaga oo sabab uga dhigay qaab ciyaareedkooda wanaagsan ee dhowaan.

Arrintan waxay timid kadib markii Arsenal laga adkaaday Bournemouth, halka Manchester City ay ka adkaatay Chelsea dhammaadkii usbuuca.

Isagoo ka hadlayay podcast-ka The Good, The Bad & The Football, Scholes ayaa sharaxay sababta uu u arko in isbeddel ku yimid jihada horyaalka:

“Aniga ahaan, waxaan u maleynayaa in Arsenal ay hoos u dhacday. Waxaan dareemayaa in dhammaan fursadaha iyo firfircoonidu ay hadda la jirto Manchester City si ay u qaado horyaalka,” ayuu yiri Scholes.

“Mar uun waa inaad garaacdaa kooxaha kula tartamaya. Anigu ma arkin iyaga oo sidaas sameeya; ma guuleystaan kulamada waaweyn.”

Arsenal ayaa la ciyaari doonta Manchester City kulan ka tirsan Premier League toddobaadkan, kaas oo ka dhici doona garoonka Etihad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga