Natiijada isku aadka & wax walba oo aad uga baahantahay , Kulamo shidan oo kasoo baxay !

Xiriirka Kubadda Cagta Yurub (UEFA) ayaa si rasmi ah u shaaciyay isku aadka heerka League-ga ee Champions League xilli ciyaareedka 2026/27, kaas oo lagu qabtay magaalada Monaco. Sida nidaamka cusub uu dhigayo, 36 kooxood ayaa ka qeyb galaya tartanka, iyadoo koox kasta ay la ciyaari doonto 8 kooxood oo kala duwan, afar kulan garoonkeeda ah iyo afar bannaanka ah.

Kooxaha ugu awoodda badan Yurub ayaa helay isku-aadyo adag, waxaana taageerayaasha sugaya kulamo waaweyn oo xiiso badan.

Barcelona ayaa la ciyaari doonta:

  • Manchester City
  • Paris Saint-Germain
  • Aston Villa
  • Sporting Lisbon
  • Feyenoord
  • Galatasaray
  • Como
  • Sabah.

Real Madrid ayaa wajahaysa:

  • Inter Milan
  • Arsenal
  • PSV Eindhoven
  • Roma
  • RB Leipzig
  • Shakhtar Donetsk
  • LASK Linz
  • AEK Athens.

Liverpool ayaa kulamo adag la yeelan doonta:

  • Atlético Madrid
  • Inter Milan
  • Porto
  • Club Brugge
  • Villarreal
  • Fenerbahçe
  • Lens
  • LASK Linz.

Manchester City ayaa iyaduna la ciyaari doonta:

  • Paris Saint-Germain
  • Barcelona
  • Sporting Lisbon
  • Porto
  • Napoli
  • RB Leipzig
  • AEK Athens
  • Lens.

Dhanka kale, Arsenal ayaa heshay isku-aad adag oo ay ku jiraan Real Madrid, Bayern Munich, Borussia Dortmund iyo Napoli, halka Manchester United ay wajahdo Bayern Munich, Atlético Madrid, Roma, Sporting Lisbon iyo kooxo kale oo adag.

Marka la soo gabagabeeyo heerka League-ga, 8-da kooxood ee ugu sarreeya waxay si toos ah ugu gudbi doonaan wareegga 16-ka, halka kooxaha ku dhammeysta boosaska 9-aad ilaa 24-aad ay ciyaari doonaan Play-off si ay ugu soo baxaan wareegga xiga. Jadwalka rasmiga ah ee kulamada ayaa la shaacin doonaa maalmaha soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga