Muxuu Mikel Arteta Ka Yidhi Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Champions League

Tababaraha reer Spain ee kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ka hadlay sababihii ay kooxdiisu guuldarada 1-0 ah uga soo gaartay Porto, lugta hore ee wareega 16ka Champions League.

Ciyaartan oo uu marti ku ahaa garoonka Dragao Stadium ayaa ku sii socotay barbaro 0-0 ah, balse Galeno ayaa ku guulaystay in uu guul ka dhaliyo kooxda martida ahayd wuxuuna dhaliyay gool cajiib ah oo uu ku dhaliyay darbo cajiib ah daqiiqadii 90+4-aad.

Arteta oo arintaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxay ahayd in aanu ciyaarta si fiican u maamulno, haddii aad doonayso in aad wareega 8-da gaadho, waa in aad ka guulaysataa kooxda kaa soo horjeeda, tanina waa waxa aan ku samayno Emirates Stadium hadda.”

 

Tababaraha Gunners oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Maxaa naga maqnaa kulankii maanta? Waxaa naga maqan hanjabaad gool, waxaana naga maqnaa maamul la’aan”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waxa aan u malaynayaa in Porto ay tahay koox aad u habaysan oo difaac ah, waxaana jira waxyaabo ay tahay in aan si fiican u soo bandhigno.”

Labada kooxood ayaa markale ku ciyaari doona 12-ka bisha March garoonka Emirates Stadium ee magaalada London si ay u ogaadaan cida u soo bixi doonta wareega 8 dhamaadka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga