Luke shaw Oo Halis Ugu Jira In Uu Seego Inta Ka Dhiman xilli ciyaareedkan

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay dhirbaaxo kala kulantay dhaawaca Luke shaw.

Marka ka eego in uu ciyaaray 47 kulan xilli ciyaareedkii Hore ten Hag ayaa jeclaab lahaa in uu si joogto ah ugu yeedho Xiddiga 28 jirka ah xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee Xiddiga ayaa kaliya ciyaaray 12 kulan premier League xilli ciyaareedkan.

Dhaawac bowdada ah ayaa Shaw ka dhigtay inuu maqnaado intii u dhaxaysay August 25 iyo November 26, ka hor inta uusan soo laaban si uu lix kulan oo isku xigta ugu safto kooxda.

Inkasta oo uu Dhaawac ku seegay 3-dii kulan eee xigtay hadana shaw ayaa ku bilowdo 4-tii kulan ee ay ciyaartay kooxdu bishii February.

Si kastaba ha ahaatee, kulankii Aston Villa iyo Luton Town siday u kala horreeyaan, Shaw ayaa laga saaray 45 daqiiqo Sabab la xidhiidha dhaawacyo.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, waxaa hadda jira walaac laga qabo in Shaw uu maqnaan karo inta ka harsan xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga