José Mourinho ayaa hadal adag jeediyey xifaaltanka Barcelona iyo Real Madrid, isagoo carrabka ku adkeeyay in marka labada kooxood ay is wajahaan aysan jirin saaxiibtinimo ama isu-tanaasul, tani waxaa keenay wadahadal dhexmaray Xavi harnandez & cassilass waqtigiisii madrid.
Mourinho ayaa yiri: “Tani waa Barcelona iyo Real Madrid, Marka aad xulka qaranka tagtaan, waad is dhunkan kartaan, laakiin hadda ma aha.”
Tababaraha reer Portugal ayaa sidoo kale si cad u sheegay: “TANI WAA DAGAAL.”
Mourinho wuxuu intaas ku daray in ay jiraan waxyaabo uusan aqbali karin, isla markaana uusan marnaba aqbali doonin.
“Waxaa jira waxyaabo aanan aqbali karin, weligayna aanan aqbali doonin. Marka qof uusan i ixtiraamin, waxay taasi isu beddeshaa dhibaato,” ayuu yiri Mourinho.
Be the first to comment