Miyuu Ibrahima Konate Diyaar U Noqon Doonaa Kulanka Man United

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in Ibrahima Konate uu haysto fursad fiican oo uu kaga soo kabsan karo dhaawaca uu qabo isla markaas uu diyaar u noqon doono kulanka Man United ee FA Cup-ka ay la ciyaari doonaan Man United.

Daafaca dhexe ee reer France ayaa seegay kulankii ay Liverpool bar-baraha la gashay Man City kulankii ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah ka dib markii uu dhaawac muruqa ah ka soo gaaray kulankii Sparta Prague ee Europa League.

Maqnaanshaha Konate, Jarell Quansah ka ciyaaray booska Konte kulankii Man City laakiin Klopp ayaa sheegay in uu xiddigu diyaar u noqon karo kulanka Man United.

Si kastaba ha ahaatee, markii ay wariyeyaasha ku weydiiyeen shirkiisa jaraa’id ee ka dib ciyaarta Axadii haddii dhibaatada Konate ay halis tahay, Klopp ayaa ku jawaabay: “Maya, maya. Ibou wuxuu heystaa fursad uu ku ciyaari karo kulanka United”.

“Waxaan u baahanahay ciyaartoyda oo dhan in ay soo laabtaan, waxa aan taariikh ku samaynay caruurta waanan ku faraxsanahay arintaas, laakiin dabcan waxaan u dagaallanaa abaalmarinta ugu weyn ee kubadda cagta”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga