WARBIXIN: Fursadaha Ku Guulaysiga Horyaalka Premier League Oo La Shaaciyay, Kooxdee Fursada Ugu Badan Haysta.

Arsenal, Manchester City iyo Liverpool ayaa dhamaantood la siiyay jaanis cusub oo la xisaabiyay oo ay ku qaadi karaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaa hogaanka premier League la wareegtay kadib guushii 2/1 ahayd ee ay ka gaadheen kooxda Brentford iyaga oo ka faa’iidaystay bar-barihii ay galeen Liverpool iyo Man City.

Tartanka horyaalka ayaa meel xiiso leh maraya iyada oo kaliya hal dhibic u dhexayso 3-da kooxood ee ugu sareeya horyaalka premier League.

Arsenal ayaa hogaaminaysa horyaalka laakiin waxa ay farqiga goolasha kaga horaysaa kooxda Liverpool iyaga oo wada leh min 64 dhibcood halka ay Man City leedahay 63 dhibcood.

Shabakada Opta ayaa soo saartay fursadaha ay 3-da kooxood u haystaan ku guulaysiga premier League xilli ciyaareedkan.

Ka hor kulamadii todobaadkan Man City ayaa 51.4% u haysatay in ay ku guulaysato horyaalka premier League laakiin kadib bar-barihii Liverpool waxa ay hoos ugu soo dhacday 45.9% fursada Man City ee ku guulaysiga horyaalka.

Ka hor kulankii Todobaadkan Liverpool ayaa 35.6% fursad ugu haysatay ku guulaysiga horyaalka halka ay haatan hoos ugu dhacday 35.3% kadib bar-barihii Man City.

Arsenal ayaa iyadu fursadeheeda kor u kacday kadib markii ay ka hor kulamadii todobaadkan haysatay 13.0% ku guulaysiga horyaalka halka ay haatan kor ugu kacday 18.8%.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga