Mikel Arteta Oo Loo Sheegay In Uu Masuuliyada Kabtanimo Ka Qaado Martin Odegaard, Sabab

Arsenal waa inay beddeshaa kabtankeeda hadda haystaan Hogaamiye ida uu qabo halyeeyga kooxda Emmanuel Petit.

Martin Odegaard ayaa loo magacaabay kabtanka Arsenal ka hor xilli ciyaareedka 2022/23.

25-sano jirkaan ayaa wali xiran calaamada kabtanimada, laakiin Mikel Arteta ayaa lagu booriyay inuu masuuliyada siiyo ciyaaryahan kale oo ka tirsan kooxdiisa.

Petit, oo seddex xilli ciyaareed ku riyaaqay Arsenal, ayaa aaminsan in Declan Rice ay tahay in loo magacaabo kabtanka maadaama uu aad u amaanay qaab ciyaareedkiisa iyo qaab ciyaareedkiisii ​​kulankii Liverpool ee isbuucii hore.

Gunners ayaa 3-1 ku garaacday Liverpool Axadii hore si ay u soo yarayso farqiga u dhexeeya kooxaha ay xafiiltamaan oo kaliya laba dhibcood.

Petit sheegay in sababtii ay Arsenal uga badisay Liverpool ay sabab u tahay xiddiga khadka dhexe oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

“Arsenal waxa ay ku badisay kulanka sabab la xidhiidha khadka dhexe”ayuu yidhi.

“Waxa uu ahaa fure qaab ciyaareedka ah, waxa uu Rice maamulay khadka dhexe farsamo ahaan iyo waliba xeelad ahaan”.

“Jorginho iyo Rice labaduba waxay ahaayeen kuwo aad u cajiib ah”.

Petit waxa uu qabaa in xiddiga heerka caalami ee dalka England laga dhigo kabtanka cusub ee Arsenal.

“Waa inuu noqdaa kabtanka Arsenal”ayuu sii raaciyay.

“Wuxuu leeyahay dabeecad aad u wanaagsan, waana hoggaamiye”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga